U bood dhigaalka

Wasiir Duraan Faarax Oo Amaanay Waxqabadka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya mudane Duran Faarax ayaa maanay wax qabadka iyo horomarka ay gaareen Guddiga Olomikada Soomaaliyeed ee (NOCSOM).

Duran Faarax ayaa horay u soo noqday Xoghayaha guud ee gudiga Olomikada,isagoo mudadii uu ka shaqaynayay isboortiga Soomaaliya ka qeyb galay dhacdooyin waaweyn oo taariikhi ah.

Sanadii 2016 ayaa u danbeesay in Duran Faarax ka shaqeynta arrimaha isboortiga,wixii xiligaa ka danbeeyay wuxuu u soo wareegay dhinaca siyaasad,isagoo sanadihii la soo dhaafay door wanaagsan ka soo qaatay maamulkii Galmudug uu hogaaminayay mudane Axmed Ducaale Xaaf.

Wasiir Duran oo 19-October 2020 loo magacaabay Wasaarada shaqada shaqaalaha iyo Arrimaha bulshada Soomaaliya ayaa soo dhaweyn weyn kala kulmay bahda isboortiga Soomaaliya wuxuuna dhawaan xafiiska ku qaabilyay xoghayaha guud ee guddiha Olomikada Soomaaliyeed mudanr Maxamer Cabdoo Xaaji oo ay saaxiib dhawyihiin.

Wasiir Duran Faarax ayaa qoraal uu soo dhigtay bartiiska tiwiitirka waxa uu ku yiri “Gudigaan waxay qabteen howl aad ufiican sanadihii lasoo dhaafay, waana ugu mahadceliyay sida qotada dheer ee ay ugu heelan yihiin horumarinta Olombikada Soomaaliya”.

Si kastaba dhankooda maamulka Gudiga Olombikaga ayaa iyagana u mahad celiyay Wasiir Duran sida wanaagsan uu ugu war-haayo,iyagoo u rajeeyay guul iyo horomar in uu kaga tago Wasaarada Shaqada  iyo Arrimaha Bulshada Dowladda Fedraalka Soomaaliya.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle