U bood dhigaalka

Gudd. Doorashada Oo Baaraya Wasiir Federaalka Ah Oo Lagu Eedeeyay Laaluush, Lagana Istaajiyay Tartanka Aqalka Hoose

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashada dadban ee dowlad goboleed-ka Jubbland ayaa tartanka xildhibaannimo ka istaajiyay Maxamed Mukhtaar Ibrahim oo ah Wasaaradda Batroolka & Macadanta ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyagoo sidoo kale istaajiyay doorashada ilaa waqti aan la cayimin.

Eedeymaha Ay guddiga Ku Heystaan Wasiirka  waxaa ka mid ah:

  • In Murashaxa Maxamed Mukhtar Ibrahim uu jabiyay qawaaniinta iyo anshaxa doorashada uu horey u saxiixay.
  • In murashaxa uu isku dayey in uu laaluusho guddiga doorashada dadban ee Jubbaland
  • In uu Hotel  AGAN isugu geeyay 29 ergo, isagoo siiyay lacag, una ballan-qaadey in uu siin doono Lacag kale marka doorashada dhamaato.
  • In uu Laaluushay xubno ka tirsan hey’adaha ammaanka, taasi oo khalkhalgelisay goobta doorashada, keentana in doorashada dib loo dhigay ilaa waqti dambe.
  • Waxaa uu iska horkeeney howl-wadeennada doorashada iyo hey’adaha ammaanka.
  • In ergadii la soo xareeyay qasan goobta looga saaray, kaararkiina ay sidaa kula tageen

Dhinaca kale, guddiga doorashooyinka dadban ee federaalka ah oo Goobjoog News la hadlay waxaa ay sheegeen in ay warqadda soo gaartay isla markaana ay baarayaan eedeymaha la sheegay in wasiirka lagu heysto kadibna ay go’aan ka soo saari doonaan in wasiirka uu tartamayo aqalka hoose iyo in kale, guddiga ayaa sidoo kale qiray in arrintan ay sababtay dib u dhaca doorashada.

Saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland oo Goobjoog News uga waramay warkan waxaa ay sheegayaan in arrintan ay salka ku heyso muran hore oo u dhaxeeyay wasiirka Batroolka & Macadanta  Maxamed Mukhtar Ibrahim iyo gudoomiyaha guddiga doorashada dadban ee maamul goboleedka Jubbaland Cabdi Cali Raage oo horay meel ka wada shaqeyn jiray.

Goobjoog News waxaa ay xiriiro iyo fariimo u dirtay wasiirka Batroolka & Macadanta  Maxamed Mukhtar Ibrahim si uu uga jawaabo eedeynta loo soo jeediyay laakin Wasiirka kama jawaabin arrinkaas.

Warqadda Akhriso:

gaaljecel-mp-in-jubbaland-3

Goobjoog News