U bood dhigaalka

Wasiir Fiqi oo Kulan La Qaatay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

Sheeko:Amniga

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta xukuumadda federaalka Soomaaliya  Ahmed Moallim Fiqi, ayaa Maanta kulan la qaatay Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho, waxaana kulankooda ay uga wadahadleen arrimo dhowr ah, kuwaas oo ku qotoma federalka iyo dib u-heshiisiinta.

Wasiir Ahmed Moallim Fiqi iyo Anita Kiki Gbeho, ayaa  kulankooda ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay iyo sidii Qaramada Midoobay u kordhin laheyd taageerada Barnaamijyada Federaalka,Dib-u-heshisiinta , Dhismaha Golayaasha Degaanka , Madasha wadatashiga Qara

Waxaa Sidoo kale kulanka looga hadlay Abaaraha kajira dalka iyo sidii Qaramada Midoobay uga qeyb qaadan laheyd gurmadka loo sameeynayo Shacabka Soomaaliyeed, taas oo Xukumadda Dan-Qaran u ah ahmiyadeeda ugu weyn,wasiir  Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

“Waxaan uga mahadceliyay Anita Kiki Gbeho taageerada Qaramada Midoobay ay siiso Soomaaliya waxaana inaga go’an haddii aan nahay Wasaaradda Arrimaha gudaha la shaqaynta Hay’addaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala Soomaaliya”. Ayuu yiri  Ahmed Moallim Fiqi Wasiirka Arrimaha Gudahaa

Kulanka Wasiirka Ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Anita Kiki Gbeho, ayaa waxaana kulankooda ay uga wadahadleen arrimo dhowr ah, kuwaas oo ku qotoma federalka iyo dib u-heshiisiinta.waxaa  kulankooda uu kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saamaysay.

Goobjoog News