U bood dhigaalka

Wasiir Fiqi oo Sheegay inuu Ka Badbaaday isku Day Lagu Dili Rabay

Sheeko:Amniga

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo xalay xilli dambe warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka warbixiyay isku day la doonayay in isaga lagu dilo waxa uuna sheegay inay haatan gacanta ku hayaan qaar ka mid ah shabakad isku xirnayd oo dilalka qorsheysan ka fulin jirtay gobalka Mudug.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ay qabteen miino nuuca dhejiska ah oo la damacsanaa in gaariggiisa loogu xiro sidaasina uu khasaare kala duwan uga dhasho waxaana wasiirka amniga Galmudug uu intaa raaciyay in arrinkan uu ku suura galay kagadaal markii maalmihii la soo dhaafay ciidanka DANAB ay gobalka Mudug gaar ahaan magaalada gaalkacyo ay ka wadeen howlgallo Qorsheysan.

“Waxaan qabanay Miino kuwa baabuurta lagu dhejiyo oo hadafkeedu ahaa aniga oo ah wasiirka amniga Galmudug baabuurka la iigu dhejiyo ka dibna halkaas uu khasaare ka dhasho, miinnadaas markan qabanay waxaan daba galnay dhammaan kooxihii ka dambeeyay waxaana ku guuleysannay mid ka mid ah kooxihii miinnada soo geliyay oo halkan wakiil uga ahaa oo bulshada ganacsade ay u taqaannay” ayuu yiri wasiirka amniga Galmudug.

Dhanka kale wasiir Fiqi ayaa waxa uu ka dhawaajiyay inay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ku dileen sarkaal sare oo Al shabaab u qaabilsanaa dialka gobalka Mudug waxaana sarkaalkaasi uu magaciisa ku sheegay Maxamed Xasan Faarax oo uu tilmaamay in isaga iyo rag kale oo la shaqeynayay ay ka dambeeyeen dilal loo geeystay masuuliyin ka tirsan Galmudug iyo Puntland.

Ugu dambeyn wasiirka amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug u diray farriin la xiriirta amniga isaga oo ugu baaqay inaysan garab siin kooxaha ka soo horjeeda nabadgelyada gobalka.

Wasiir Fiqi ayaa inta yar ee uu xilka hayo waxa uu sameeyay  isbadal muuqda oo dhinaca amaanka ah isaga oo ku guuleystay inuu la wareego ciidamo u abaabulnaa qaab maleeshiyo beeleed ah kuwaas oo uu sheegay in la qarameyn doono.

Goobjoog News