U bood dhigaalka

Wasiir Fiqi oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wakiilka Hay’adda FCA Soomaaliya

Sheeko:Amniga

asiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mududane. Axmed Macalin Fiqi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka Hay’adda FCA{ Financial Conduct Authority} Soomaaliya Mr. Ikali karvinen.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehlinaayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane. Ilyas Cali Xasan iyo Wasiir ku-xigeen Wasaaradda Mudane. Amb Cabdixakin Xasan Ashkir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane. Saciid Cabdullahi Calasow, iyo mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda.

Kulankaan, ayaa ahaa mid looga hadlayay Arrimaha Dib-u-heshiisiinta iyo Dowladaha Hoose. Kulanka oo ahaa mid shaqo, ayaa waxaa goob joog ka ahaa hawl-wadeeno ka kala socday Wasaaradda iyo Hey’adda FCA{ Financial Conduct Authority } Soomaaliya oo caasimadda soo gaaray.

Kulankaan, ayaa ahaa mid looga hadlayay Arrimaha Dib-u-heshiisiinta iyo Dowladaha Hoose. Kulanka oo ahaa mid shaqo, ayaa waxaa goob joog ka ahaa hawl-wadeeno ka kala socday Wasaaradda iyo Hey’adda FCA{ Financial Conduct Authority } Soomaaliya.

Ugu dambeyn labada dhinac ay ku heshiiyay in la dadajiyo lana Fududeeyo Howlaha Baaxada leh ay Ka wada Shaqeynayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Hay’adda FCA { Financial Conduct Authority}Soomaaliya, kulanka ayaa looga hadlay dib u heshiisiinta iyo dowladda hoose.

Goobjoog News