U bood dhigaalka

Wasiir Fiqi:”Dumaashi dagaalka nala soo gal!”

Sheeko:Amniga

Wasiirka Amniga dowlad gobaleedka galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu kaga jawaabay hadal ka soo yeeray xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan baarlmaanka Mareykanka,

Fiqi ayaa sheegay in ay Ilhaan xaq u leedahay in ay la socoto lana xisaabtanto mareykanka waxa uu dalkeeda ka sameynayo balse waxa uu ugu baaqay in aysan hiil u noqon dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale Ilhaan u sheegay in ay kala soo qeeyb qaadato dagaalka Al-shabaab lagula jiro ee ka socda galmudug isagoo yiri “Dumaashi dagaalka nala soo gal!”

Hoos ka Akhriso Qoraalka Wasiirka Amniga Galmudug 

Walaasheen Rep. Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.
Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno.
Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!
Waxaan ka mahadcelinaynaa taageerada dhanka cirka ah ee ciidamada maraykanku ay siinayaan Dawladda Soomaaliya si gaar ah midda Miraha la taaban karo keentay ee Galmudug ay ka wadeen todobaadyadii la soo dhaafay.
Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!.!
Dumaashi dagaalka nala soo gal!