U bood dhigaalka

Wasiir Goodax Oo La Kulmay Daladaha Waxbarasho Iyo Maamulka Gobalka Banaadir

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda federalka Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa shir gudomiyay shir dag dag ah oo ay isugu yimaadeen wasaaradda waxbarashada Soomaaliya  madaxda daladaha waxbarasho ee dalka iyo maamuka gobalka Banaadir.

Shirka oo jeedkiisu ahaa mid wasaaradda iyo  madaxda daladaha ay ugu baaqayeen in ardayda ay ku laabtaan iskuulladooda waxbarasho ayna u diyaar gayoobaan Imtixaanka qaadistiisa sanad dugsiyeedka 2018-2019 maalinta taariikhdu tahay  27 may 2019ka..

Ugu horeyn waxaa shirka ka hadlay xog’hayaha daladda waxbarashada Safe Maxamed Siciid Faarax waxa uuna sheegay iney tahay wax laga xumaado ceebna ku ah waxbarashada in ardaydu ay galaan Imtixaan Suuqa lagu iibinayo, waxa uuna  ugu baaqay in ardayda in ay dulqaataan.

“Umadda Soomaaliyeed iyo waxbarashadaba sax kuma ahan in Imtixaan la og yahay oo Suuqa yaalo in Shahaadada ardayda uu soo baxo, Sharafka Tacliinta iyo midka waxbarashada mid baabinnaya waaye ,waxaa ka fiican sida ay wasaaradu hadda ay qaadatay”

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha daladda waxbarasha Fpens C/raxmaan Cumar Shiikh nuur , waxa uu sheegay in fashidaadda Imtixaanka sanad waliba ay dad gaar ah ay suuqa galiyaan waxa uuna xusay in laysku raacay in imtixaanka dhan lagu celiyo.

” Marwaliba fashilaadiisa dad yar ayaa sameynaya maadaama uu imtixaankii dhamaantiis uu baxay waxaan isla garanay dalado ahaan wasaaradda waxbarashada ayadda ayaa wakiil ka ah wasaaradaha waxbarasho ee maamul-gobaledyada  dhan iyo maamulka gobalka Banaadir in Imtixaankii dhamaantiis lagu wada celiyo 12kii maado ee dugsiga sare waxaana la gali doonaa 27ka may 2019ka”

Dhanka kale Afhayeenka guud ee daladaha waxbarasha Aweys Shiikh Maxamed ayaa kulanka ka sheegay arday galay Imtixaan qishkiisa uu suuqa yaalo aqoontiisa ay wax u dhibayso ardayda caalamkana barri uusan la tartami karin.

” Ardayga barri caalamka noo aadayo la rabo inuu ka gadmo waa inuu qish iyo laab laab uusan uga soo bixin Imtixaankiisa waxaa la rabaa inuu duruustii la baray uu ka turjumo, waxaan leenahay ardaydu ha is dajiyeen, haddii ardayda si qaldan wax loogu sheegayna waa inaysan aaminin oo dalkooda iyo dowladdooda ay ku kalsoonaadaan una diyaar garoobaan Imtixaanka”

Ugu danbeyn wasiirka wasaaradda waxbarada oo kulanka soo xiraya ayaa sheegay in dowladda ay ka go,an tahay ilaalinta mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed.

” Waxaa habon in ardayda iyo waalidiintu hal shey ay ka fakaraan, oo ah shahaadada ardaygu uu qaadanayo aysan noqon xujo hor taalo ay noqoto mid ardaygu leeyahay aqoonteeda ,Waan ognahay in wax xun ay tahay marka imtixaan aad isku soo diyaarisay lagu dhaho waa wax kama jiraan, lakiin waxaa ka sii xun markii shahaado aad qaadatay lagu dhaho aqoonteeda ma lihid ee dib sanado waxbarashadii lagugu celiyo, dowladdana waa ka go,an tahay ilaalinta mustaqbalka ardayda Soomaaliyeed ”

Goobjoog News