U bood dhigaalka

Wasiir Hadliye “Cid Tiri Qaxootiga Soomaaliyeed Kenya Haka Baxaan Ma Jirto”

Sheeko:Dalka

Wasiirka arimaha dibadda dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay arinta ku aadan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya, waxaana uu tilmaamay in aysan jirin cid dowladda Fededraalka u timid una sheegtay in qasab loo rarayo Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi Kenya.

Waxa uu sheegay in lagu dhaqmayo heshiiska seddax geesoodka ahaa, kaasi oo u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, Kenya iyo Qaramada Midoobay.

“Heshiiska Seddax geesoodka ah ayaa la wadayaa, isaga ayaa sharci ku dhisan oo dadka oo dhan isku wada raacsan yihiin, wax iska bedalay oo aan kuu sheegi karo malahan, laakiin waxaan ogahay oo kaliya, qofna ma rabo in uu 20-sanadood Qaxooti ahaado, dadka Soomaalida in ay soo noqdaan bay rabaan dowladooda in ay soo noqoto bay rabaan oo si sharaf leh kusoo noqdaan” ayuu yiri Wasiir Hadliye.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in isaga uusan maqal hadal kasoo yeeray Kenya oo ahaa in Soomaalida dalkeeda ay ka baxaan.

“Aniga ma ogi dowladda Kenya markii ay kuu soo yeertay oo ay kugu tiri waxaan ku niri naga baxa, raadiyaasha waxaad ka maqashaan baan ka maqlay, dowladda Kenya intay dowladda Soomaalida usoo yeertay cid tiri waa la baxayaa ama wax la mid ah ma jiraan” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Hadliye.

Dalka Kenya waxaa ku sugan dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasi halkaasi xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay hayso, waxaana jirtay in markii la weerary Jaamacadda Gaarisa ay dowladda Kenya ku amartay dadkaasi ion ay baxaan.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga Wasiirka.

Goobjoog News