U bood dhigaalka

Wasiir Hadliye Oo Sheegay In Ciidamada Soomaaliya Iyo Midowga Africa Ka Adkaadeen Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in guushii ka dhalatay iskaashiga ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa iyo keentay in Militeri ahaan laga awood roonaado xarakada Al-shabaab.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in xarakada Al-shabaab ay hadda gacanta ku hayaan in ka yar boqolkiiba Toban dalka, iyadoo hoggaamiyeyaal badan oo xarakada ka tirsanaa la dilay amaba ay isaga baxsadeen neelihii ay joogeen bilihii ugu dambeeyey.

Wasiir Hadliye oo ka hor hadlayey kulanka heer wasiir ee golaha ammaanka kaas oo ah  sanadle ayaa ka dhawaajiyey in xarakada Al-shabaab ay hadda beegsadaan oo keliya  goobaha jilicsan islamarkaana si dhuumaaleysi ah weeraro uga geystaan dalka iyo waddamada deriska la ah.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladdu ay isku dayeyso inay kor u qaaddo iskaashigeeda ammaan si ay uga hortagto weeraro cusub oo xarakadu geysato.

Xarakada Al-shabaab ayaa dagaallo kula jirta dowladda Federaalka iyo ciidamada AMISOM, waxaana Soomaaliya ay hadda tahay mid kasoo kabaneysa dhibaatooyin badan oo soo maray.

Goobjoog News