U bood dhigaalka

Wasiir Hadliye: Qareenno Ayaa Loo Qabtay Muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Ku Xiran India

Sheeko:Dalka

Wasaarada Arimaha Dibadda Soomaalia ayaa  meesha ka saartay in  Dowlada Federaalka ay ka gaabisay wax ka qabashada Dhalinyarada Soomaaliyeed   ee ku xir xiran Xabsiyo ka mid ah Caalamka.

Wasiirka wasaaraddan Cabdislaan Hadliye  Cumar oo Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Dowlada qareenno ay u qabatay   dhallinyaradaasi.

“Bil walbo safaaradda wey u tagtaa, qareenno baa loo qabtay, waxaan ogahay in Hal qof uu ka dhintay, laakiinse sharciga Hindida ayeey ku xukuman yihiin waana isku dayeenaa haddii dalka loo soo wareejin karo” ayuu yiri Hadliye.

Ugu Dambeyn wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay aad ula socoto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran qaar ka mid ah dalalka caalamka, islamarkaana ay mar walbo la socdaan xaaladda dadkaasi.

Dalka India waxaa ku xiran Soomaali badan oo la sheegay inay ka mid yihiin Burcad Badeed, kuwaasi oo qaarkood xaalad adag ay xilligan hayso.

Goobjoog News