U bood dhigaalka

Wasiir Hadliye “Raali Kama Nihin In Qaxootiga Soomaaliyeed Qasab Lagu Soo Celiyo”

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar oo wareysi siiyey Goobjoog News ayaa sheegay in marnaba dowladda Soomaaliya raali ka ahayn in si qasab ah loo soo celiyo qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya.

Wasiirka waxa uu sheegay inay jecelyihiin in Soomaalida dalkooda dib ugu soo laabtaan kana qeybqaataan dib u dhiska dalka, balse kuwa soo laabanaya ayuu sheegay in ay jecelyihiin in si sharaf leh kuna dheehan xuquuqda bini’aadamka ku yimaadaan.

“Dadkeenna annaga waan rabnaa in lasoo celiyo in wadanka lagu soo noqdo, inay kusoo noqdaan guryahooda, inay ka qeybgalaan sidii Soomaaliya loo dhisi lahaa, laakiin annaga ma ogolin dad Soomaali ah oo lasoo qasbay xadka lagu soo daadiyo oo la xumeeyo oo xuquuqdoodii dadnimadooda laga fikirin, marka annaga nagama suurtoobeyso xagga yaga, waana isku noqoneynaa hase ahaatee sida ugu haboon ee waqti la isku siin lahaa loona diyaarin lahaa meesha kusoo noqonayaan ee Soomaaliya ayaan wadnaa” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Hadliye ayaa dhinaca kale ka hadlay arrimo la xiriira maalinta qaxootiga adduunka oo maanta ku beegan.

“Waa maalin isugu jirta murugo iyo farxad, dadkeenu waxa weeye dad xoog leh oo dhibaatooyinka soo gaaray kasoo kabtay, welina kasoo kabanaya, adduunka u kala guuray wax ka qabsaday carruutoodii korinaya familadooda dibadda joogayna soo caawinaya, waa maalin murugo leh oo waxay na tuseysaa sida wadankeena, dadkeena u baabi’iinay innaguna aan isku naxariisan weynay oo meello badan u kala baxnay, oo aad maqasheen maalin hore 500 dad ku dhaw ayaa ku dhintay badaha kuwo kalena waa ay sii socdaan, kuwo kale oo waddanka la joogana waxaa la leeyahay naga baxa, marka maalintaan wax weeye in ay tahay maalin in aad loo xuso mudan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka.

Inkastoo dunida maanta u dabaaldegayso maalinta qaxootiga ayaa hadana Soomaali badan waxa qaxooti ku yihiin dalalka caalamka haba ugu badnaadaan kuwa ku sugan Kenya oo dhibaato nololeed ku sugan.

Goobjoog News