Wasiir Hadliye “Xeebaha Soomaaliya Waxaa Ka Socda Dhac Iyo Boob Cad”

Wasiirka Arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Kalluumeysatada Soomaaliyeed ay dhibaato ku qabaan maraakiibta shisheeye ee xaalufinta ku haya xeebaha dalka.

Waxa uu sheegay wasiirka in xeebaha Soomaaliya uu ka socdo dhac iyo boob cad, isaga oo adduunka intiisa kale ku eedeeyay in arrinkaasi ay indhaha ka daboosheen.

“Waa tamar darro, talo darro, taag darro iyo innaga oo ilaahay Towfiiqda inaga qaaday intaas oo dhan markii aad isku geyso qof walbo wuxuu rabo ayuu meesha ka qaadanayaa waa lagu dhacayaa, waa lagu boobayaa, waxa ka socda xeebaha Soomaaliduna waxaa weeye dhac iyo boob cad oo aduunka intiisa kale indhaha ka haysto, inaan innagu soo dhacsanno weeyaan, cid kuu soo dhicineysa ma jirto, hadii ninka Kalluumeysiga ee ka yimaada Yurub, Chine, Japan, Iran meesha uu rabo haka yimaadee ama Shirkad hebel hadii uu sameynayo 10, 20, ama 100 Milyan muxuu macruuf kugu sameynayaa, annagu waa in aan joojinno, hadii aynu Soomaali nahay waxaa nalaga doonayaa inay soo noqoto su’aasha ah sideen wax u qabsannaa, sideen xeebteenna u ilaalsannaa, sideen xoolaheena u dhaqannaa, caruurteenna u korinnaa, tacliin u sameysannaa, sideen u rabnaa inaan aduunkaan uga mid noqonno, cid noo sameyneysa ma jirto, adduunka intuu uu inoo sameyn karayey waa uu inoo sameeyay, qaarna waxba kuuma sameynayaan oo wey ku dhibayaan, waxa weeye innagu maxaan qabsan karnaa, maxaan sameysan karnaa, u noolaan karnaa, sideen caruurteenna u korsannaa, dadkeena masaakiinta ee Kalluumeysanaya waxay u baahan yihiin Tamar, taageero, waxay u baahan yihiin in loo qeyliyo oo loo hiiliyo, innaguna inaan isku hiilinno weeye” ayuu yiri wasiir Hadliye.

Sidoo kale wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa yiri “Wax aan wasaaraddeyda arrinkaasi aan soo sheegay kaga aadaneyn ma jiro, waa inaan adduunka u shaacinno waxa aan anigu kuu sheegayo oo aan niraahno wadankeenna waa la dhacaa oo hala joojiyo, laakiin waxbaan kuu sheegayaa, wasaaraddeyda, wasaaradaha kale iyo kuwa amniga waxaa loo baahan yahay inaan wada fariisanno oo wax wada qabsanno oo dhahno innagu maxaan qabsan karnaa”

Dhinaca kale wasiir hadliye ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay la shaqeeyaan dowladdooda, islamarkaana aanay waxqabad oo kaliya ka sugin dowladda.

“Dowlad kaligeed wax qaban kartaa ma jirto Soomaaliya, waxa weeye dowladda oo hogaanka haysa dadka Soomaaliduna inay wax la qabtaan waxa ugu horreeya in lagala shaqeeyo dowladda ay tahayna waxa weeye amniga, waa caruurteena waxa is qarxiya, waa caruurteena waxa Bamka meel walba geeya, waa walaalaheena, waa dad lunsan, waa dad aan shaqo haysan, marka waxa weeye ganacsadaha, bulshada, Odayada, wadaadada, dowladda kulli in la’isku wada yimaado, hadii la sugayo Soomaaliya in dib loo dhiso oo dowladda un wax qabato ma suurtoobayso baryahan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiirka.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW