U bood dhigaalka

Wasiir Hore Cali Cabdullaahi Cosoble: Madaxweyne In La Eedeeyo Ma Sahlana

Sheeko:Dalka

Wasiir hore ee wasaaradda waxbarashada dowladdii KMG ahayd Cali Cabdullahi Cosoble ayaa sheegay in ay isagu ula muuqato in waayo aragnimo la’aan ka dhex jirto Golaha baarlamanka , oo uu sheegay in aysan xaq u lahayn Xildhibaanaddu Eedaymaha ay ka gudbiyeen  Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamuud.

Waxa uu tilmaamay in waxa laga rabay Xildhibaanaddu ay ahayd inay la xisaabtamaan Dowladda iyo sida ay u socoto laakiinse aanay lahayn inay Eedeeyan Madaxwaynaha dalka .

Cosoble ayaa sheegay in Eedaymaha noocaas oo kale ah ay keeni karaan oo kaliya Xeer ilaalinta iyo Hanti Dhowrka guud ee qaranka oo kula doodi kara Madaxwaynaha qodobo sax ah oo la xiriira musuq ama wax isdaba marin.

“Waxaa ii muuqata in qalad weyn uu jiro, waayo aragnimo la’aanna ay meesha ka muuqato, qaladka ugu weyn waxaa leh xildhibaanada soo eedeeyay madaxweynaha, madaxweyne eedeyntiisa arrin fudud ma ahan, sida xukuumadda oo kale ma ahan oo xilka laga qaadayo, hadii lagu cadeeyo in xilka laga qaado isaga oo shacab ah maxkamadda lahor geeyo ayaa wixii lagu helay lagu xukumayaa, laakiin ma ahan in eed la’isaga soo rogo xukuumadii oo xilka laga qaaday, Baarlamaanka marka hore kalsooni ayuu bixiyaa, hadana wuu dhaliilaa wixii uu shalay aqbalay cod ayuu qaadaa wuuna ridaa, laakiinse madaxweyne marka la eedeynayo yaa xaq u leh, dalka hay’ado ayuu leeyahay, Baarlamaanka ma ahan hay’ad dambi baaris ah, waxaa eedeynta is kale Xeer ilaalinta iyo Hanti Dhowrka guud, waa in marka hore meeshaasi ay kasoo billaabato” ayuu yiri Cosoble.

Dhinaca kale Wasiirkii horre ee Waxbarashada ayaa tilmaamay in haddii aanay waxbadan laga sixin baarlaamanka la isku qaldi doono waxyaabo badan oo saameen ku yeesha Dowladnimadda Soomaaliya .

Wali waxaa aad u taagan Mooshinka la iska garab wado ee midna lagu taageerayo Madaxwayanaha midna isaga looga soo horjeedo taas oo sax ahaanshihiisa laga keenayo muran ballaran .

Goobjoog News