U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Dowladda Federaalka oo La Ciideystey Shacabka Carmo, Bari

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xill. Maxamud Xayir Ibraahim oo ka mid ahaa waftigii Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyey safarkii uu ku tagay deegaanada Puntland ayaa kula tukaday salaadii Ciiida kumanaan qof degmada Carmo
ee gobolka Bari.

Wasiirka ayaa salaada ka dib dadka la hadlay ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii dib loogu howl galin lahaa dugsiga tababarka ciidanka Booliska ee degmada Carmo oo sanadihii ugu danbeeyey aan si wanaagsan u shaqayn,

Waxaa sidoo kale wasiirku uga waramay dadwynihii isugu yimid Salaada Ciida in dowladda Soomaaliya ay horumaro badan ka samaysay dhanka nabadgalyada iyo dib u dhiska, horumarinta dhaqaalaha iyo dhisida maamul goboleedyada, hadana ay u yimaadeen Puntland sidii loo xalin lahaa madmadowga soo kala dhex galay.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyey dadka reer Carmo sida wanaagsan ee u soo dhaweeyeen qaxootiga u dhashay dalka Yemen oo soo gaaray degmada isla markaan ku booriyey iney xoojiyaan amniga gacana ka gaysta wax u qabashada dadka ka soo cararaya dagaalada ka socda dalka Yeman.

Goobjoog News