U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Galmudug Oo Lagu Xirey Cadaado

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in goor dhow ay ciidamada Nabad sugidda degmadaasi ku xireen wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska maamulka Galmudug Maxamed Maxamuud Guure.

Wasiirka ayaa lagu eedeeyey inuu mas’uul ka ahaa weerar maanta ay maleeshiyo hubeysan ku qaaddey xarunta doorashada ee Galmudug.

Weerarkaasi ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay, waxaana wasiirka la tilmaamay iney su’aallo weydiinayaan ciidamada Nabad sugidda.

Xaaladda guud ee degmada Cadaado ayaa ah mid deggan, iyadoo magaaladaasi laga dareemayo mashquulka doorashooyinka.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News