U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Galmudug Oo Sheegay In Degmada Caabudwaaq Uu Ka Jiro Maamul Aan Awood Lahayn

Sheeko:Dalka

Wasiir xigeenka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Galmudug Cawil Cabdullaahi Jaamac oo ku sugan magaalada Caabudwaaq ee Galgalgaduud ayaa Goobjoog News faha faahin ka siiyey weerar xalay fiidkiii ah lagu qaaday goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Waxa uu sheegay wasiirka in weerarkaasi aanu shaqo ku lahayn arrimo la xiriira siyaasad, balse ay tahay arrin qabiil oo muddooyinkaan ka taagneyd degmada Caabudwaaq.

Waxa uu sheegay Wasiir Cawil in degmada Caabudwaaq uu ka jiro maamul aan aan awood lahayn, ,islamarkaana maalmihii ugu dambeeyay laga mashquulay degmadaasi iyo wax u qabashadeeda.

Maamulka hadda ka jira degmada Caabudwaaq ayuu ku sheegay inuu magac ahaan ka yahay maamul balse aan wax ka qaban karin waxyaabaha ka dhacaya degmadaasi.

“Maamulka degmada Caabudwaaq ka jira waa maamul aan lahayn awood haba yaraatee, waxaa loo baahan yahay ciidamo iyo nidaam shaqeeya, balse haddii qofka magac kaliya la siiyo wax qabad lama arkayo” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.

Rag hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa weerar ay ku qaadeen goob lagu shaaho waxay ku dileen Laba qof halka 6 kale ay ku dhaawaceen.

Goobjoog News