U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Galmudug Oo Sheegay Iney Wadahadal Hoose La Leeyihiin Ahlu-sunna

Sheeko:Dalka

Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali Socdaal ayaa sheegay inay soconayaan wadahadallo hoose oo lagu doonayo in lagu mideeyo maamulka Galmudug iyo Ahlu-sunna.

Waxa uu tilmaamay in wadahadalka aanu ahayn mid toos ah balse ay jiraan dhinacyo kale oo doonaya iney ay arrinta soo afjaraan six al loo helo.

Go’aanka madaxweyne Xaaf ee wadahadallada Ahlu-sunna ayuu sheegay Wasiir Socdaal inaanu ahayn mid shaacsan.

“Way jiraan wadahadallo hoose oo aan la leenahay Ahlu-sunna xubno kamid ah, balse ma ahan mid shaacsan, madaxweyne Xaaf go’aankiisa wadahadalladana ma ahan mid lasii shaaciyey, balse wararkii maalmahan la isla dhexmarayey waxay ahaayeen waxyaabo ay saxaafada banaanka ka heshay” ayuu yiri wasiirka.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli dhowaan la shaaciyey in meel wanaagsan uu marayo wadahadalka u dhaxeeya Galmudug iyo Ahlu-sunna Waljameeca.

Goobjoog News