U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Deni oo Hortagay Baarlamaanka Puntland

Sheeko:Amniga

Wasiirka duulista iyo hawada dowlad gobaleedka Puntland ayaa maanta hortagay kulan ay magaalada Garowe ku yeesheen xildhibaanada golaha wakiilada maamulka Puntland.

Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo ah wasiirka duulista iyo hawada maamulka Puntland ayaa baarlamaanka uga warbixiyay howlaha wasaaradda iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Xildhibaannada baarlamaanka Puntland oo muddooyiinkii la soo dhaafay xoojiyay la xisaabtanka xukuumadda iyo hay’adaha dowladda ayaa wasiirka su’aalo ka waydiiyay shaqada wasaaradda.

Mudanayaasha golaha wakiilada ayaa sidoo kale wasiirka wax ka waydiiyay heshiisyada garoomada diyaaradaha Garowe iyo magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa sidoo kale la soo hor dhigay cabashooyin ka yimid qaar kamid ah shacabka dowlad gobaleedka Puntland, kuwaas oo wasaaraddiisa ka cabanayay.

Goobjoog News