U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Oo Ka Digay In Wax Lagu Qeybsado Nidaam Degmo

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska xukuumadda Federaalka ah Maxamed Cumar Geeddi ayaa ka digay in baarlamaanka soo socdo loo qeybsado nidaamka deegaanka, isaga oo taageeray qaab beeleedka 4.5.

Wasiirka oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ku dhawaad 10 beel Soomaaliyeed kulan ay isugu yimaadeen ay kaga hadleen arrimaha ku aadan qaabka doorasho Soomaalida u siman tahay u dhici karto.

Waxa uu tilmaamay wasiir ku xigeenka in beelaha .5-ta ah ay horay ugu dulmanaayeen qaabka wax loo qeybsanayay balse ay xaaladdu kasii dari doonto hadii qaab degmo wax loo qeybsado.

“Markii lagu dhawaaqay in aanay dhici karin doorasho qof iyo cod ah horayna ugu dulmanaayeen nidaamka 4.5 ayaa hadana waxaa la is weydiiyaa hadii doorashada ay noqoto degmo waxa ay la kulmi karaan maadaama qaab beeleedkiiba ay ku dulmanaayeen, marka xal uma ahan in qaab degmo wax loogu qeybiyo Soomaalida sababtoo ah dad badan baa meesha ku dhumaya” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.

Shirka Kismaayo ka furmaya maanta waxaa laga soo saari doonaa go’aan mid ah oo ku saabsan nidaamka doorasho ee sanadkaan 2016-ka inkastoo kala aragti duwanaansho ay jirto.

Goobjoog News