U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Oo Ku Geeriyooday Weerarkii Naaso-hablood

Sheeko:Dalka

Xarakada Al-shabaab ayaa gelinkii dambe ee shalay waxya weerar ku qaadeen Hoteelka Naaso-hablood ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka dhalatay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dadkii ku dhintay weerarkaasi uu ka mid ahaa Burci Maxamed Xamsa oo ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka.

Wasiiru dowlaha ayaa ku sugnaa Hoteelka markii uu weerarkaan dhacayey, waxaana la sheegay inuu geeriyooday.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed looga tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkan, gaar ahaan geeridii Burci Maxamed.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya H.E. Dr. Abdusalam Hadliye Omer, Wasiiru dowlaha H.E. Khaled Omar Ali , Wasiir kuxigeenka H.E. Ahmed Ali Mohamed “ Kadiye” , Xoghayaha joogtada Wasaaradda Danjire Ali Mohamed Ali , Agaasimayaasha Waaxyaha, Safiirada, Qunsulada guud , Lataliyeyaasha Wasaaradda iyo dhammaan Saraakiisha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga waxa ay tacsi u dirayaan ehellada, asxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Allah u naxariistee Burci Maxamed Xamza oo ahaa Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka, oo June 25, 2016, ku geeriyooday Caasimadda Muqdisho.

Marxuum Burci Maxamed Xamza oo xilal kala duwan ka soo kala qabtay dowladihii kala duwanaa ee dalka soo marayay si gaar ah Wasaaradaha Deegaanka, Maaliyadda iyo Arrimaha Dibadda, waxa uu ahaa siyaasi, macallin iyo barbaariye ku xeel dheeraa ku hadalka iyo qoridda in ka badan shan luqadood.

Haddaba, annagoo ka murugeysan, kana tiiraanyeysan geerida Marxuumka , ayaa waxaan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto, qabrigiisana nuur iyo neecaaw udgoon ku siiyo, hoygiisana ka dhigo Jannada sare ee Alfardows , qoyskiisa, ehelladiisa iyo asxaabtiisana Samir iyo iimaan ka siiyo – Aamiin.

INNAA LILLAAH WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Goobjoog News