U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Dalka K/Afrika oo Ka Deyriyey Weeraro Lagu Qaadey Soomaalida

Sheeko:Dalka

dukaan Soomaali ahWasiirka Amniga ee maamul goboleedka KwaZulu-Natal ee dalka Koonfur Afrika Willies Mchunu ayaa ka deeyriyey weeraro lagu qaadey dukaamo ay leeyihiin Soomaalida ku nool gobolka KwaZulu-Natal.

Wasiirka ayaa sheegey in bambaanooyin dhalooyin batrool lagu shubey laga sameeyey oo lagu weeraray dukaamo Soomaalida halkaasi ku leedahay ay ka dhignaan karto ajnabi naceyb.

Dhacdadii ugu dambeysey labo qof oo Soomaali ah ayay dhaawacyo halis ah kasoo gaareen kadib markii lagu weeraray dukaan ay ku lahaayeen xaafadda KwaMashu ee magaalada Durban u dhow.

“Haddii dadka ay wax ka qabaan heerka tartanka ganacsi ee ay soo bandhigeen ajaaniibta iyo saameynta arrintaasi ku leedahay ganacsigooda , taasi waa in looga wada hadlaa nidaamyada degsan dhexdooda, islamarkaasina ah si nabad galyo ah” ayuu yiri wasiirka oo sheegey in dad loo xirxirey weerarkii dhacay.

Goobjoog News