Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yarow ayaa iscasilay ka hor inta aanu isku diiwaan-gelin u tartamidda jagada guddoomiyaha golaha shacabka.
Ibraahim Isaaq Yarow waxaa uu sheegay in go’aankan uu qaatay si uu uga hoggaansamo shuruudda guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta.
Murashaxa u tartamaya guddoomiyaha golaha shacabka, kana tirsan golaha wasiirrada  ayaa la faray  inuu guddiga qaban-qaabada u keenaa caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo.
Ibraahim Yarow waxaa uu tilmaamay in is casilaaddiisa uu ka aqbalay ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre uuna qaatay Shahaadada Is-diiwaangelinta.
Goobjoog News