U bood dhigaalka

Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga Oo Siminaar Loogu Soo Xiray Muqdisho

Sheeko:Dalka

Siminaarkaan aqoon kororsiga ah oo muddo afar maalin ah uga socday magaalada Muqdisho saraakiil iyo howlwadeeno ka tirsan Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa la soo gabagabeeyay.

Siminaarkan oo ay soo qaban qaabisay mid ka mid hay’adaha Maxaliga ayaa waxaa soo xiray Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalle Xuseen Cali.

Wasiir ku-xigeenka ayaa  shaaca ka qaaday in Wasaaraddu furtay akoon loogu talo galay in bulshadu uga qayb qaadato taageerida ciidanka xoogga  iyo howlgalada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab, waxaana uu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ciidanka lagu taageero xoreynta dalka waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa la furay Akoon akoonkaasi oo loogu magac daray difaaca dalka qof walba oo mawaadin ah oo Soomaali ahna in uu ka faa’iideysto waad ogtiihiin dalka cadaw ayaa ku dhuumaaleysanaya, cadawgaasna hadaanaan anagu iska xoreyn qof naga xoreynayaa ma jiro, aduunku waa na kaalmey karaa laakiin howsha inteeda badan anaga ayaa nalaga rabaa”ayuu yiri Wasiir Cabdalle.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa waxaa uu shahaadooyin guddoonsiiyay saraakiisha loo soo xiray siminaarka oo 20 kor u dhaafayay.