U bood dhigaalka

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo MM Oo Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Wasiir Khadiijo

Sheeko:Amniga

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka Cabdirashiid Maxamud Xasan ayaa sheegay in ay soo gaartay cabashada 16 shaqaale oo wasaaradda laga eryay.

Cabdirashiid ayaa sheegay in shaqa ka ceyrinta shaqaalahaas aanan loo marin habraaci rasmiga ahaa ee loogu talagalay.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ayaa sidoo kale sheegay in fariintan ay la wadaageen dhamaan xafiisyada kale ee dowladda ay quseeyso.

Amarka shaqada looga joojiyay shaqaalahaas ayaa sidoo kale ka hor imaanaya amarkii ra’iisul wasaaraha ka soo baxay 25-kii  bishii May ee sanadkaan 2021.

Shaqaalahaan ayaa la sheegay in ay shaqada ka joojisay wasiirka wasaaradda haweenka Khadiijo Maxamed Diiriye.

Hoos ka akhriso qoraalka wasiir ku-xigeenka wasaaradda.