U bood dhigaalka

Wasiir Maareeye “Soomaaliya Waxaa Leh Soomaali Mana Dhici Karto In Ummad Kale Ay Xal Noo Hesho”

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareye) oo ka hadlayey munaasabada dabaaldega Maalinta Xoriyadda Soomaaliya oo bulshada Soomaaliyeed meel walba ay joogaan ay ugu dabaldagayaan. Maanta oo ah 1da July 2015 waa maalintii koofurta Soomaaliya ay xoriyadda ka qaadatay Gumeystihii Talyaaniga, isla markaasna ay koofurta iyo Waqooyiga Soomaaliya ay midoobeen oo ah markii ugu horreysey oo Jamhuuriyadda Soomaaliya heshay aqoonsiga buuxa. Wasiir Maareeye ayaa yiri “Dabaaldegga maalinta Xoriyadda Soomaaliya waa Xasuus taariikhi ah.”

Wasiir Maareeye “ Waa inaan si weyn u dabaaldegnaa oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay weyneeyaan xasuusta iyo dabaaldegga maalintii ummada Soomaaliyeed ay heleen xorriyad, madax-bannaani iyo aqoonsi caalami ah. Dowladda Federaalka ayaa sanadkan si heer sare ah u xustay toddobaadka xorriyadda, sida 26kii June markii Waqooyiga xoriyad helay, 27kii June markii wallaalaheen Jabuuti ay xorriyadda heleen iyo maanta oo ah 1dii Luulyo oo ah maalintii koofurta ay xoriyadda heshay isla markaasna ay Waqooyi iyo Koofur ku midoobeen Jamhuuriyadda Soomaaliya.”

Wasiir Maareeye ayaa yiri taariikhdu waa lama huraan oo ummad walba waa inay taariikhdeeda xasuusataa oo bulshada jiilka cusub looga sheekeeyaa taariikhdii fiicneyd ee awoowayaasheen ay naftooda iyo maalkooda u hureen si Soomaaliya ay u noqoto Dowlad madaxbannaan. Waxey aheyd 55 sano ka hor markii Soomaalidu ay ka sineyd midnimo, wadajir, waxwadaqabsi iyo aaminaada jiritaanka ummadda Soomaaliyeed. Waa inaan xusnaa dhammaan inta naftooda u hurtay si aan u helno madax-bannaani iyo xornimo. Sidoo kale waa inaan taariikhda wax ka baranaa oo aan soo celinaa midnimadii ummadda Soomaaliyeed, wadajirkeeda iyo waxwada qabsigeeda.

Taariikhda Dhalinyaradii Soomaaliyeed ee Waqooyi iyo Koofur ee u istaagay sidii Soomaaliya ay xor u noqon laheyd waxey naga mudan yihiin inaan xusno, aqoonsano doorkooda, isla markaasna dhalinyarada jiilka maanta jira aan uga sheekeyno si ay ugu noqoto waayo aragnimo keenta inay doorkaas oo kale ay qaataan. 55 sano ka dib maanta Dowladda Federaalka waxey dalka ka xoreyneysaa nabad diid doonaya inuu ummadda Soomaaliyeed ka hor istaago nabad, horumar iyo waxqabsi. Waa dagaal kale oo isagana nooga baahan in bulshada aan ka wacyigelino, isla markaasna aan dhalinyarada la qalday aan u fidino gacan nabadeed si ay dib u heshiisiinta uga qeybqaataan. Caalamku horumar buu sameeyey, Soomaaliya oo ka mid aheyd waddamada Afrika ugu horreeyana maanta waxaa dib noo dhigay khilaaf, dagaal, is-aamin daro iyo dagaalka kooxaha nabad-diidka ah.

Wasiir Maareeye ayaa hadalkiisa ku soo gabogabeeyey oo yiri “Soomaaliya Soomaali baa iska leh, mana dhici karto in ummad kale ay xal noo hesho. Waa inaan isku tashanaa, gacmaha is-qabsanaa, is-aaminaa, isku-kalsoonaa oo aan ogaanaa midnimadeena inay noo horseedi karto nolol, nabad, amni, kala danbeyn, wax-wadaqabsi iyo horumar. Soomaaliya ha noolaato.”

DHAMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska. [email protected]