U bood dhigaalka

Wasiir Maareeye “Umadda Ha’isku Gurmato”

Sheeko:Dalka

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku bogaadiyay shacabka Soomaaliyeed in ay isku gurmadaan, walibana u istaagaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibban dalka Yemen.

Wasiirka oo hadal ka jeedinayay munaasabad xalay ka dhacday degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo wax is tari kara, waa hadii ay midaasi aaminaan.

Shaqsi walba oo Soomaaliyeed ayuu sheegay in hadii bishii uu bixiyo oo kaliya lacag dhan Hal doolar in ay gaari doonto lacagtaasi 10 Milyan oo doolar, taasi oo uu ku sheegay wasiirka in dad badan oo Soomaaliyeed kasoo kaxayn karto dalka Yemen, diyaarado badan iyo Doonyana loogu kireyn karo.

“Qaxootiga Yemen kasoo cararaya hadda waa in aan inagu wax ugu deeqi karnaa, Soomaalida horay ayeey isugu caawisay, markii ay dhacday abaarihii ganacsatadii iyo dadkii kale waxbay ku deeqeen, laakiinse weli waxaan gaarin Hal doolar waxbuu taraa, hadii aad tiraahdo waxaan bixinayaa aniga Hal doolar oo bil walba ah, uguna deeqay walaalahayga dhiban, tusaale 1-milyan oo qof ayaa is diiwaan gelisay, waxay lacagta ay bixiyaan noqoneysaa 1-milyan oo doolar, waxay lacagtaasi kiraysaa doonyo badan iyo diyaarado dadka Yemen ku dhibban lagu soo qaado” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dalka Yemen waxaa ku dhibban muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi u baahan gurmadka walaalahooda Soomaaliyeed, dal iyo dibadba meesha ay joogaan.

Goobjoog News