Wasiir Madoobe Nuuno Oo Kamid Noqday Dadkii Ku Dhintey Weerarkii Naasa Hablood 2
Sheeko:Dalka
Wasiirkii arrimaha gudaha ee maamulka K/galbed Madoobe Nuunow Maxamed ayaa la xaqiijiyey inuu kamid noqday dadkii xalay ku dhintey weerarkii ka dhacay hoteelka Naasa Hablood 2, degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulkaasi ayaa xaqiijiyey geerida wasiir Madoobe Nuunow.
Allaha u naxariistee Madoobe Nuunow ayaa la sheegay iney toogten raggii hubeysnaa ee gudaha Hoteelka galay.
Labadii cisho ee ugu dambeysay, Madoobe Nuunow Maxamed ayaa deganaa Hoteelka Naasa Hablood 2 ee magaalada Muqdisho.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News