U bood dhigaalka

Wasiir Maxamed Muqtaar :Hadda waxa uu shaki wayn laga Qabo waa Dowladda Federaalka iyo Rooble illa iyo Xadka la Aamini karo

Sheeko:Amniga

Wasiirkii hore ee Badroolka Maxamed Muqtaar ayaa sheegay in aysan jirin khilaaf ka taagan fulinta heshiiskii 17 September, waxuuna ugu baaqay in Rooble uu noqdo mid ka madaax banaanada Maskaxda Farmaajo .

Maxamed Muqtaar oo wareysi siiyay GoobJoog News  ayaa sheegay in sidoo kale aad u soo dhaweynayaan go’aanka xukuumadda loogu warejiyay Hirgelinta doorashada .

“Heshiishkaas marki hore dhinacyada dhan way isla gaareen , dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada Golaha shacabka iyo Aqalka Sare waay ansixiyeen Madaxweeynaha wuu saxiixay waxa uuna ahaa heshiis si rasmi ah u dhameystiran Marka cidna ma diidana heshiiskaas sidoo kale heshiiskii 16  February guddi farsameedkii ku heshiiyeen cidna ma diidana Waxa leysku khilaafay oo dhibaataa ka imaatay ay tahay qaab ka loo fulinayo ”

Wasiir Maxamed Muqtaar ayaa sidoo kale in ay muhiim aheyd in xilligan xukuumadda lagu soo wareejiyo howlaha doorashada .

” Midda kale ee ayadana muhiimka aheyd waxa ay tahay in uu yiri waxaan ku soo wareejiyay arrimihii doorashooyinka Ra’iisul wasaaraha , runtii taas waa talaabo la soo dhaweyn karo maadama asaga sida la dareemayo uu yahay Musharax, ayna jiraan musharixiin kale marka in ay xukuumadda ay waajibaadkeeda ay marka hore xaqqa u lahaeyd in ay qabato ”

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Badroolka ayaa sidoo kale sheegay in la ogaado illaa iyo inta Rooble lagu kalsoonaan karo .

” Dadka Soomaaliyeed ee miiska fadhiisanaya hadba illa iyo xadka ay is aamin sanyihiin in ay wax ka wada dhaxeeyaan qofka ay la xaajoonayaan hadda waxa uu shaki wayn laga qabo waa dowladda Federaalka iyo Rooble illa iyo Xadka la aamini karo uu matali karo oo uu u madax banaan yahay go’aankiisa ”

Hoos Ka Daawo Muuqaalka Oo Dhameys Tiran .