U bood dhigaalka

Wasiir Muslimad Ah Oo Iscasishay Kadib Markii Ay Khamri Iska Badisay

Sheeko:Dalka

Wasiirka waxbarashada dalka Sweden Aida Hadzialic ayaa iscasishay kadib markii lagu helay in ay khamri iska badisay xilli ay gaari waddey.

Gabdhan oo ah wasiirkii ugu yaraa ee abid soo mara dalka Sweden ayaa la sheegayaa in booliiska dalkaasi ay istaajiyeen gaarigeeda kadibna baaritaan la sameeyay ay ku caddaatay in ay khamriga iska badisay oo dhaaftay intii uu sharciga Sweden ogolaa.

“Waa qaladkii ugu weynaa nolosheyda, waxaan qaadanayaa mas’uuliyadeeda, waxaan doonayaa in aan is casilo” sidaa waxaa tri Hadzialic

Gabdhan waxaa ay asal ahaan ka soo jeedaa Bosnia, waa gabar muslimad ah, khamriga in ay cabto ayaaba xaaraan ah.

Goobjoog News