U bood dhigaalka

Wasiir Ibraahim Aadan Najax “Way Mahadsanyihiin Taageeryaasha Koonfur Galbeed”

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Ibraahim Aadan Najax ayaa u mahad celiyay taageerayaasha kooxda Koonfur Galbeed,kaalinta ay ka qaateen dhiiri-gelinta xidigahooda labadii ciyaar ay la dheeleyn kooxaha Jubaland iyo Puntland,wuxuuna intaa ku daray in Koonfur Galbeed ay u qalanto hanashada koobka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

“Diyaar Garowkii aan samaynay bilooyinkii la soo dhaafay waxaa laga arkayay garoonka,xidagaheena waxa ay soo bandhigeyn ciyaaro aad u wanaagsan,waxayna taas ku timid da’daalka iyo waqtiga aan ku bixinay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Wasiirka Ciyaaraha Iyo Dhallinyarada Koonfur Galbeed mudane Ibraahim Aadan Najax

“Dhaqaalaha uu Maamulka Koonfur Galbeed ku bixiyay horomarinta kooxda ayaa u suura geliyay in ay halkan soo gaaraan xidigaheena,ilaa aan ka gaarayno hadafkeena waxaana garab taaganahay wiilasheena” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Wasiirka Maaliyada Koonfur Galbeed mudane Axmed Maxamed Xuseen

“Koonfur Galbeed iyo Puntland waxa ay soo bandhigeyn ciyaar aad u saraysa,waxayna intooda badan u qalmaan in ay ciyaaraan Xulka Qaranka,waxaana dhamaan kooxaha u soo gudbay heerka kale ee tartanka u rajaynayaa guul iyo horomar” ayuu Goobjoog Sport u sheegay mudane Cali Sheekh Cabdullahi (Cali Afgooye) oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle