U bood dhigaalka

Wasiir Ibraahim Aadan Najax “Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya Waxaa Xoog Ku Haysta Hal Beel”

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed Ibraahim Aadan Najax ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay qaabka ay u shaqeeyaan ma’suuliyeenta Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya,isagoo intaa raaciyay in bahda ciyaaraha Soomaaliya laga rabo in ay wax iska waydiiyaan badbaadinta iyo hanaanka shaqo ee Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliya.

“Wasaarradda  Ciyaaraha iyo Dhalinyarradda Koonfurgalbeed waxa ay go’aan horey ugu gaartay in aan wax xiriir ah la sameyn doonin xiriirka kubada cagta Soomaaliya ilaa laga saxo dhismaha awood geybsiga” ayuu sheegay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed mudane Ibraahim Aadan Najax.

Dhinaca kale Wasiir Najax ayaa nasiib xumo ku tilmaamay sida kooxda Koonfur Galbeed loogu maamusay xafladii xeritaanka tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo 08-Janaayo 2021 ka dhacay xarunta Madaxtooyda Soomaaliya ee (Villa Somalia),waxaana qoraalka uu Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed uu ku soo daabacay baraha bulshada qornaa sidan.

“Waxaan baraha bulshadda ku arkay haweeney uu gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta gudoonsiiyay shahaado sharaf loogu talagalay  xulka kubbadda cagta ee koonfurgalbeed Soomaaliya,waxaan caddeyneena inaan wax shaqa ah ku laheyn guddoomida shahaadadaas,waxaa nasiib darro ah in xiriirki aan ka sugeynay dhex-dhexaadnimo iyo wanaag ay sameyeen musuq-maasuq”

“Ayadoo Dowlada Koonfurgalbeed u wakiilan qofna magaca maamulka shahaado laguma gudoonsiin karo,taasna nidaamka dowliga ayaa na faraya waana in la ilaaliyaa,Wasaarradda Dhalinyarradda iyo cayaaraha Koonfurgalbeed waxa ay go’aan horey ugu gaartay inay wax xiriir ah la sameyn doonin xiriirka kubada cagta Soomaaliya” ayuu sheegay Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Koonfur Galbeed mudane Ibraahim Aadan Najax.

Daawo Wasiir Najax Oo Ka Hadlay Arrimaha X.K.Cagta

Sidoo Kale Aqriso Warar Kale Oo Ku Saabsan K.Glabeed

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/wasiir-najax-hadii-aan-jawaab-laga-bixin-wixii-ku-dhacay-kooxda-koonfurgalbeed-kama-qeybgali-doonno-ciyaaraha-maamul-goboleedyada-iyo-gobolka-banaadir/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle