U bood dhigaalka

Wasiir Odawaa “Waa Ansax Dastuurka Maamul Goboleedka Galmudug”

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka dowladda federaalka Cabdiraxmaan Xuseen Odawaa ayaa ka hadlay ansixintii maanta ergada shirka Cadaado ay ansixiyeen dastuur cusub ee maamulka loo dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Odawaa oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog ayaa yiri “Waxaa maantey suurogashay in la ansixiyo axdiga kmg ah ee uu yeelanayo maamulkaasi, 310 qofood ayaa u codeysey, 29 waa diidey, 12 waa ka gaabsatay , sidaas ayuuna ansax ku yahay dastuurkii loo sameynayay maamul goboleedka loo bixiyey Galmudug, aad iyo aad ayaan ugu hambalyeynayaa dadka degen maamulka Galmudug”.

Wasiirka waxa uu intaasi ku daray in shirka uu ka gudbey marxaladdii labaad, una gudbayo tii sedexaad oo ah in lasoo xulo xildhibaanada baarlamaanka uu yeelanayo maamulka Galmudug.

“Muddo 10 maalmood gudahood ah ayaa la rabaa in xildhibaanada ay fariistaan, doortaana guddoonka baarlamaanka, kadibna loo guda galo hawlihii kale” ayuu wasiirka u sheegey Goobjoog.

Mar aan wax ka weeydiiney wadahadaladii uu la lahaa Ahlu Sunna Wal Jamaaca ayuu sheegey in ay meel fiican waxmarayaan, ujeedkana uu yahay sidii Dhuusamareeb oo noqoneysa caasimadda Galmudug ay suurogal u noqon lahayd in dadka oo dhan ay wada tagaan.

Magaca Galmudug ayaa ah mid horey u jirey, waxaana maamulkaasi madax ka ahaa Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo hadda ka mid ah musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo.

Goobjoog News