U bood dhigaalka

Wasiir Odawaa “Wada Hadallo Ayaan La Wadnaa Ahlu-sunna”

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed kasoo baxay wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa lagu sheegay in wada hadallo ay la wadaan ahlu-sunna waljameeca, si ay qeyb uga noqdaan geedi socodka nabadda iyo dhismaha maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

War-saxaafadeedka ayaa sidaan u qoran:-

Shirka dhismaha maamulka Gobolladda Dhexe ee Soomaaliya ayaa si habsami leh uga socda magaaladda Cadaado iyadoo Wasaraadda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Dowladda Soomaaliya dadaal xoogan ugu jirto in shirka maalmaha soo socda natiijooyin ka soo baxaan.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) oo ku sugan magaaladda Cadaado ayaa sheegay in shirka  dhismaha maamulka Gobolladda Dhexe uu meel wanaagsan marayo,  islamarkaana todobaadkan lagu jiro la ansixin doono  dastuurka Maamulka Gobollada Dhexe, lana soo xuli doono xubnihii baarlamaanka dowlad gobolleedka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ayaa sidoo kale timaamay in ay jiraan wadahadallo ay la wadaan Ahlu Sunna Waljamaaca si ay qeyb uga noqdaan geedi socodka nabadda iyo dhismaha Dowlad Gobolleedka Galgaduud iyo Mudug.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in dhismaha maamulka Gobollada Dhexe yahay mid ay u wada dhanyihiin dhammaan bulshadda labada gobol, isla markaana kuna salaysan hanaan wadatashi iyo is-qancin.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa uga mahad celiyey siyaasiyiinta, odayaasha, haweenka, dhallinyaradda iyo dhammaan waxgaradka Gobollada Dhexe sida ay uga go’an tahay dedejinta iyo ka miro dhallinta dhismaha maamulka.

 Dhammaad

Goobjoog News