U bood dhigaalka

Wasiir Odowaa “Baladweyne Waxaan u Nimid Inaan Odayaasha Dhaqanka Dhahno Qeybiya Awoodda”

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan shirka Jowhar iyo sidoo kale dhaliisha ay qabaan odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dadaal xooggan ugu jirto sidii dadka deggan gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ku heli lahaayeen maamul ay iyaga dhisteen, dowladdana ay ka caawineyso isku keenidda dadkaasi iyo sidoo kale wixii shirka ku baxaya.

Wasiirka oo ku sugan magaalada Baladweyne ayeeynu wax ka weydiinnay waxa ka jira in illaa iyo xilligaan aanu la kulmin Odayaasha dhaqanka Hiiraan, qaarkoodna ay diiddan yihiin inay isaga la kulmaan, waxaana uu tilmaamay in aanu jirin warkaasi balse ay Odayaasha dhaqanka ay iyagu isku maqan yihiin oo ay soo tashanayaan maadaama uu u gudbiyey fariintii uu waday waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Salaadiinta qaar ka mid ah ayaan wada hadalnay aniga waxay ii sheegeen inay wada tashanayaan oo ay iska wareysanayaan fariintii aan waday, ma maqal wax diidmo ah, bini’aadamka inuu wada hadlo ayuu wax ku xallisan karaa, Odayaasha ra’yi bay soo jeediyeen, nalama tashan bay yiraahdeen, inta aan la hadlay Odayaasha iguma aysan dhihin warkaan, dacwo waa naloo qabaa waxa meesha na keenay ayaana ah laakiinse waan garbaxeynaa” ayuu yiri wasiir Odowaa.

Maanta oo Talaado ah ayuu sheegay wasiir Odowaa in uu sugayo go’aanka kasoo baxa wadatashiga Odayaasha dhaqanka Hiiraan, islamarkaana isaga uu diyaar u yahay in wax walbo oo ra’yi ah ama cabasho ah oo ay qabaan waxgaradkani uu dhageysto.

Waxaa jiray hadal hayn ah in shacabka Hiiraan ay qabaan aragti ah in Labo gobal laga dhigo gobalkaasi sidaana wax loogu qeybiyo, sidaa darteed wasiirka ayaa wax laga weydiiyay waxa arrinkaasi hortaagan.

“Aniga wixii aan jecelnahay waad iska dareemi kartaa, bini’aadamka wixii uu jecelyahay ma wada helo, annagu in Hiiraan Labo gobol noqoto oo ay dhisnaato ma diidaneyn, dabcan Soomaaliya markii la qeybinayey ama xukunkii gumyesiga ama kii Milatariga ha qeybiyo hadda wadanka waxa uu leeyahay nidaam ka duwan kii hore awood qeybsigiisa waxa uu ku saleysan yahay 4.5, hadii aad rabto inaad gobol dhisto wax intaad warqad kusoo qorto oo gobol aan dhistay lagaa yeelayo ma jirto, baarlamaan ayaa jiro waa inuu maraa, gole wasiirro ayaa jiro waa inuu maraa, Dastuurka inuu kusoo baxo in la yiraahdo Soomaaliya intaas gobol bay leedahay, howsha hadii ay fududahay qof walba sida ay Hiiraan u jeceshahay waxaa iyaguna jira kuwo kalena oo iyaguna sidaas u jecel, waan dhageystay dooddii Hiiraan wax badan oo gar ah baa ku jira laakiin garta waa wax horay looga soo gaabiyay oo loo soo sameyn waayey, goballadii kale waa la qeybiyay oo Hiiraan lama qeybin dooddaasi waan dhageystay anna waan la qabaa” ayuu yiri wasiir Odowaa

Wasiirka ayaa dhinaca kale sheegay in Baladweyne ay u tageen in Odayaasha dhaqanka ay siiyaan Fursad oo ah in ay qeybiyaan awoodda beelaha loogu qeybinayo shirka Jowhar maadaama dhaliil ay ka keeneen sidii ay dowladda wax u qeybisay.

“Annaga waxaan hadda u nimid oo Odayaasha dhaqanka ugu nimid awooddii inaan qeybiya dhahno, hadii ay nala qaldan tahay maba sameyn lahayn, sidii ugu saxsaneyd oo aan ku dadaalnay bay nala ahayd, waa nalagu khilaafay, nala fahmi waayey, waxaan u nimid inaan fursad siinno Odayaasha oo aan tusaale ahaan dhahno meeshaan waxaa looga baahan yahay 70 oday noo soo sheega sida loo qeybsanayo” ayuu hadalkiisa ku daray wasiir Odowaa.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa rajo ka muujiyay in safarka uu ku joogo magaalada Baladweyne uu guul kusoo dhamaado, islamarkaana ay is soo fahmaan Odayaasha dhaqanka ah ee ku sugan magaaladaasi.

Tan iyo wixii ka dambeeyay 12-kii Febraayo 2016 oo magaalada Jowhar uu ka furmay shirka maamul u sameynta gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan waxaa soo badanayey dhaliisha ay qabaan qaar ka mid ah waxgaradka Labadaasi Gobol.

Goobjoog News