Wasiir Odowaa Oo Maanta Kormeeray Xerada Tababarka Ciidanka Galmudug Ee Magaalada Cadaado (Sawirro)

Wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka dowlada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) oo ay wehliyaan saraakiil ciidan ayaa maanta kormeeray xerada ciidamada tababarka Booliska Galmudug ee ku taalla duleedka magaalada Cadaado.

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda federaalka Mr Odawaa ayaa u kuurgalayey xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka booliska Galmudug ee tababarka uu uga soconayo xeradaasi.

Xeradan ayaa waxaa uu tababar uga soconayaa askar gaaraysa illaa 400 oo booliska Galmudug ah waxaana ay ku jiraan tababarkani muddo ku dhow 60 cisho.

Markii uu gaaray xerada tababarka uu ciidamadaan uga soconayo wasiirka arrimaha gudaha dowladda Federaalka Cabdiraxmaan Odawaa wuxuu warbixinno ka dhagaystay saraakiisha tababarka siinaysa ciidamada iyo howlwadeennada kale ee xeradaas.

Waxa uu sheegay in ka dowlad ahaan ay ku dadaalayaan sidii ay ciidamadaan ku heli lahaayeen agabyadii ay ku howlgali lahaayeen iyo xuquuqdooda.

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa Labo neef oo Geela ku wareejiyay ciidamadaasi.

Maalintii shalay ayey ahayd markii saraakiil ka tirsan Booliska dowladda dhexe ay booqasho ku gaareen xerada lagu tababaro ciidamada booliska Galmudug ee ku taalla duleedka magaalada Cadaado ee hadda ah xarunta uu ku shaqeeyo maamulka Galmudug.

Goobjoog News

Wasiir Odawaa booqashada xerada ciidanka Cadaado 21-08-2016 2  Wasiir Odawaa booqashada xerada ciidanka Cadaado 21-08-2016 4 Wasiir Odawaa booqashada xerada ciidanka Cadaado 21-08-2016 5 Wasiir Odawaa booqashada xerada ciidanka Cadaado 21-08-2016 6 Wasiir Odawaa booqashada xerada ciidanka Cadaado 21-08-2016 1

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW