U bood dhigaalka

Wasiir Odowaa Oo Magaalada Baladweyne Ka Wada Dadaallo Lagu Qancinayo Waxgaradka Diiddan Shirka Jowhar

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maalintii shalay ahayd gaaray wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa iyo wasiirka Macdanta iyo Bartroolka Maxamed Ibraahim Mukhtaar halkaasi oo lagu soo dhaweeyay.

Wasiir Odowaa ayaa dadaal ugu jira sidii uu ku qancin lahaa Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan kuwaa oo kasoo horjeestay shirka magaalada Jowhar ee maamul u sameynta Gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Wariyaha Goobjoog News ee magaalada Baladweyne C/risaaq Al-cadaalla ayaa soo sheegaya in la filayo wasiirka maanta inuu la kulmo Odayaasha dhaqanka, waxyaabaha ugu weyn ee laga wada hadli doonana ay tahay inuu furmo wejiga Labaad ee shirka Jowhar iyo sidoo kale in la xalliyo wixii tabasho ah.

Lama oga waxa uu wasiirka kala kulmi doono Odayaashan oo qaarkood sheegay in shirka Jowhar aanay wax shaqo ah ku lahayn.

Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ah ee la filayo inay is arkaan wasiir Odowaa,hase ahaatee waxay sheegeen in wixii warbixin ah ay dhiibi doonaan markii ay wasiirka is arkaan kadib.

7-dii bishan kulan magaalada Baladweyne ay ku yeesheen waxgarad sheegay inay kasoo jeedaan gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan ayaa tilmamay in marnaba aanay ka qeybgali doonin shirka Jowhar, islamarkaana shirkaasi uu yahay mid aan ku jirin gacanta waxgaradka gobolladaasi.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 12-kii bisha January 2016 waxa uu magaalada Jowhar si rasmi ah uga furay shirka maamul u sameynta Gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, inkastoo qaabkii uu shirka u furmay dhaliil laga qabay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News