Wasiir Odowaa Oo Mas’uuliyiin Iyo Waxgarad Kula Kulmay Degmada Cadaado

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo maalintii shalay ahayd gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa kulamo kala duwan waxa uu la qaatay, haatanna la leeyahay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug iyo sidoo kale waxgaradka ku dhaqan degmadaasi.

Warar soo baxay ayaa waxay sheegayaan in wasiirka uu madaxda Galmudug kala hadlay arrimaha ku aadan meelaha lagu qabanayo doorashooyinka, maadaama Cadaado ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka dhici doonaan doorashooyinka sanadkaa la filayo in dalka ay ka qabsoomaan.

Wasiirka ayaa sidoo kale Cadaado u tagay arrimo ku aadan dardar gelinta wada hadallada Ahlu-sunna Waljameeca iyo sidoo kale maamulka Galmudug.

Waxgaradka uu wasiirka la kulmay ayaa inta badan waxa uu kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen is faham waara oo  ka dhashay Galgaduud iyo Mudug.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW