U bood dhigaalka

Wasiir Sabriye oo Sheegaya in La Dhammeeyey Khilaafkii Kala Dhaxeeyey Ahlu Sunna

Sheeko:Amniga

Wasiirka arrimaha gudaha dowladda federaalka ee Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegey in xal laga gaaray khilaaf soo kala dhex galay madaxda ugu sareysa ururka Ahlu sunna, oo saameeyay magaalada Dhuusamareeb .

Wasiirka oo saxaafada la  hadlay ka dib kulan uu la qaatay madaxda kooxda ayaa xusay in lagu go’aan saday in wixii qaladaad ah iyo tabasho ah si wadajir ah  loo xaliyo, waxaana uu yiri”  Waxaan iidiin sheegayaa inaan hadda ka soo baxay shir lagu go’aan saday wixii khaladaad ah oo dhacay iyo wixii tabashaa  in inta la galo, oo la dhameeyo, wax yaabihii magaalada ka dhacayey iyo kala shakigii iyo dhacdhaqaaqii muu jinaayay inaan la isku raacsaney arrinka ayaa saameeyay, Illaahey waxaan ka rajeynaa fariinta caawa la iskula soo laabtay in ay ka qaado carqaladdii saarneyd, horayna loogu socdo shir weynihii lagu heshiiyay Galmudug in ay ka soo wada qeyb gasho”.

Wasiir Sabriye oo  hadalkiisa sii wato ayaa xusay in aysan xalku ku jiro in marwaliba la wada hadlo wixii tabasha ahna si wadajir ah loo xaliyo,  waxaana uu caraba ku adkeeyay in uu khilaaafku cuuyaaminaayo hanaanka la doonayo in lagu dhiso Galmudug lawada leeyahay waxaana uu yiri” Barnaamijka dib u heshiisiinta culeyskiisu kuma saleysna reer hebel ayaa intaas naga qaba ee wixii dheeraad ah hanagala siiyo, deegaan annagu aan daganey aynaga durugsadeen waa inaan la dagaalnaa  maahan, miisaankiisa wuxuu ku jaheysan yahay in la yiraahdo Galmudugey haddaad isu timaadeen dowlad idin kala dhicisa, dowlad waxa idin kala jira idiin kala qaada, tuugada idiinka qabata oo xabsi geysa, cadaalad iyo nabad keenta”.

Dhanka wasiirka arrimaha gudaha Abdi Maxamed Sabriye, ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’antahay in Galmudug ay noqoto mid dadku ay u sinaadaan oona la wada yeesho, aysanna ka jiri doonin qof jecleysi iyo dadka qaar xaqooda lagu tunto” wasaaradda waxaa ka go’an ah haddii ay jiri jireen qof  qof kale wixiisa loo qaado , qof gacanta  la soo qabto oo la soo dhaweeyo iyo mid la fogeeyo, waxaan idiin balan qaadayaa intii illaah iga karsiiyo beelahaas, Ergooyinkooda, guddiga doorashada iyo Odayaasha dhaqabka ee soo xulaaaya iyo xildhibannada ay keenaayaan inta cadaaladdu gaari karto oo annagu aan karno inaan gaarsiinno”

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya ayadoo maalmihii la soo dhaafay magaalada dhuusamareeb uu hareeyay khilaaf soo kala dhex galay madaxda ugu sareysa ururka Ahlusunna iyo dowladda federaalka, oo Ahlusuuna ay ku eedeysay in ay jabisay qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey.

Goobjoog News