U bood dhigaalka

Wasiir Sabriye “Waxaan Dardargelinaynaa Dhismaha Maamulka Galmudug”

Sheeko:Amniga

Wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay iney socdaan qorsheyaasha lagu dedejinayo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug.

Wasiirka wasaaraddan Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in ay ka go’antahay dhismaha Galmudug oo ay u dhanyihiin dhamaan bulshada ku nool deegaannada Galmudug ayna diyaariyeen qorshayaashii lagu dhameystiri lahaa arrintan.

Wasiirka ayaa xusay in heshiiska lala galay Ahlusunna Waljamaca uu qeyb weyn ka qaadan doono dhameystirka dhismaha Galmudug, ayna sugayaan in beelaha ay soo dadajiyaan hannnaanka loo wajahayo dhismaha maamulka.

“In Hanaankan maamul dhisidda Galmudug uu horey u dhaqaaqo mar hore ayay ahayd, balse howshan ayaa ku soo korortay oo ay ahayd in meel la saaro, mid, laga bilaabo maanta waxaan sii dar dargelineyaa dhismaha maamulka, qorshaha maamul dhisidda dowlad Goboleedka Galmudug waxa ay ku xirnaan doonaan sida beelaha ay ku soo fududeeyaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta ayaa khamiistii heshiis la gashay culimada Ahlusunna Waljamaaca.