U bood dhigaalka

Wasiir Xamsa Oo Ku Eedeyay Khadiijo Diiriye iyo Shaqaalaheeda Iney Jiif Ku Jiqayeen, Maxeyse Uga Jawaabtay?

Sheeko:Amniga

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Saciid Xamsa, ayaa sheegay in xilligii lagu wareejinayay wasaaradda aysan laheyn xafiis ay ku shaqeyaan, sidoo kalana shaqaalaha wasaaradda ay fasax ahayeen mudda laba sano ah ay iska jiqayeen.

Xamsa oo arintaas ka hadlayay ayaa waxa uu yiri ” Wasaaradda markaan imaanayay xafiis ay ku shaqeyso ma laheyn, wasaarad xafiis ay ku shaqeyso aan laheyn habeenkii la igu wareejiyay dadkaan weydiyay waxaan dhahay aaway wasaaraddaan xarunteedii, waxaa leygu dhahay xarun ma laheyn, ee intey ku shiraan, Hotel ama guri ayey ku shiraan”. ayuu yiri wasiir Xamsa.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu intaas hadalkiisa ku sii daray in shaqaalaha wasaaradda ay muddo dheer fasax ku jireen isagoo yiri ” Wasaarad oo guri ku shireyso marna hotel ku shireyso, waxaan ugu tagay wasaarad sanad iyo bar illa laba sano ay shaqaalaheedi fasax ku jiraan oo mushaar iska qaadanayaan guryadoona joogaan”.

Xamsa Saciid Xamsa ayaa ugu dambeyntii waxa uu sheegay in uu isugu wacay shaqaalihii, isla markaana uu dayactir ku bilaabay wasaaradda waxa uuna yiri ” Markaan imid horta seddax bilood waxaa iga qaadatay in aan wasaaradda isku keenno , xafiis aan u raadiyo, meel aan dejiyo, shaqaallihii ay soo noqdaan oo ay shaqadoodii dib u bilaaban…..Hadda alxamdulillaah wasaaradda iyadaba iska socod barad ah oo waa ay socota, wasaarad shaqeyneyso oo shaqaalaheedi subixi soo shaqa tagaan maalmahanna dhisma ka socdo”.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee wasaaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye oo arrintaas ka jawaabtay ayaa sheegtay “War-Dowladeed warqaduu ku-yaalaa”, iyadoo intaas qoraalkeeda raacisay “Wasiir Xamze waxaad ka mid ahyed golihii wasiiradda ee aqbalay fasaxa shaqaallaha wasaaradda ee weydii gudigaaga anshaxa iyo kan gob-shaqo ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XJFS.”

Dagaalka Labada wasiir intaas kuma ekaan ee khadiija waxa ay sidoo kale sheegtay in wasiirka uu heysto gaari ay leedahay wasaaradeeda iyadoo tiri “ILEYN AFAADAN-LAHEYN GACAN-MASAARTID”, siina raacisay “28-OCT/2020 ayuu igu wareejiyay xilka Wasaaradda Gargaarka iyo MM XJFS ilaa haddana wuxuu heystaa gaarigii hantida wasaaradda lagu iibiyay weliba iyadoo uu amar ku bixiyey Hanti-dhowraha guud ee Qaranka inuu soo celiyo ilaa iyo haddana lagama haayo. Hanti Qarana waligeey la iguma eedeyn.”

Labada wasiir ayaa sidoo kale waxaa lakala saftay shaqaalaha labada dhinac, iyaga oo baraha bulshada isku dhaafsaday eedeymo iyo hadala kul kulul.
Goobjoog News