U bood dhigaalka

Wasiir Xamse Oo Booqasho Ku Tagay Xarunta Agoonta Booliska Soomaaliyeed.

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya mudan Xamse Saciiid Xamse iyo Prof.Maxamed Xuseen Haadi oo ah la taliyaha dhinaca isboortiga ee Madaweyne Farmaajo ayaa booqasha ku tagay xarunta Carruurta barbaarinta Agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed,iyagoo soo kormeeray qeybaha kala duwan Xarunta waxayna madaxda Wasaarada balan qaadeen in ay garb istaagioonaan da’yartan .

Maamulaha Xarunta Barbaarinta Caruurta Booliska Soomaaliyeed  Jeneraal Cali Xirsi Barre “Cali-Gaab” ayaa madaxda Wasaaradda Ciyaaraha iyo dhallinyarada kaga mahad celiyay booqashooda,isagoo sheegay in ay sugayaan kaalinta horomarineyd ee Wasaarada Ciyaaraha Soomaaliya.

Wasiir Ciyaaraha iyo dhallinyarada Soomaaliya Xamse Saciid Xamse ayaa sheegay in aad ugu faraxsanahay sida wanaagsan ee loo diyaarinyay Carruurta barbaarinta Agoonta Ciidanka Booliska,isagoo balan qaaday in ka Wasaarada ahaan ay garb istaagidoonaan .

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle