U bood dhigaalka

Wasiir Xamse Oo Daah Furay Tartanka Kubbadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir

Sheeko:Cayaaraha
Waxaa Maanta Garoonka Kubada Cagta ee Eng. Yariisow Stadium ka furmay Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020, kaasi oo sanadkaan markii ugu horeysay ay ka qeyb-galayaan Naadi ka socda Degmada Balcad.
Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Axmed Xasan Iimaan iyo Wasiirka Magacaaban ee Dhalinyarada iyo Isboortiga Xamsa Maxamed Xamsa ayaa si wadajir ah u furay, iyadoona ay ku wehliyeen Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Basma Caamir Axmed iyo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud Eng. Cumar Cali Cabdi.
Guddoomiyaha Isboortiga Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Xiriirka Kubada Cagta, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal kantirsan Dowlada Hoose ee Xamar Cayaartoy hore, Marti Sharaf iyo Qeybaha kala gedisan ee Bulshada ayaa Garoonka ku sugnaa, Waxaana Halkaasi Astaanka Calanka ku tumay Ciidanka Daambeeda Booliska Soomaaliyeed.
Wasiirka Ciyaaraha iyo dhalinyarada Dowladda mudane Xamse Saciid Xamse iyo madaxda Gobolka Banaadir ayaa kooxaha ka qeyb-galaya Tartanka u rajeeyay in ay Cayaar wanaag soo bandhigaan inta uu socdo Tartanka Kubada Cagta ee Degmooyinka Gobolka Banaadir 2020.