U bood dhigaalka

Wasiir Xamse Saciid Oo Booqashadii Ugu Horeesay Ku Tagay Garoonka Ciyaaraha Stadium Muqdisho.

Sheeko:Cayaaraha

Wasiir Ciyaaraha iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Xamse Saciid Xamsa iyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada  dhalinyarada iyo isboortiga Maxamed Xaaji Ibraahim ayaa kormeer shaqo ku tagay tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho oo ay Dowladda ku samaysay dib u hagaajin,tan iyo markii ay ka baxeyn ciidamada Amisom 27 August 2018.

“Waxa ay aheyd booqashadii ugu horeesay aan ku tagno garoonka ciyaaraha Muqdisho,waxaana soo kormeernay qeybaha kala duwan ee garoonka iyo shaqooyinkii adagaa ee laga soo qabtay mudadii lasoo dhaafay” ayuu Goobjoog Sports u sheegay Wasiiru Dowlaha Wasaarda Ciyaaraha Iyo dhalinyarada Soomaaliya mudane Maxamed Xaaji Ibraahim.

Booqashada Wasiir Xamse iyo madaxda kale ayaa aheyd ukuur galida iyo habsami u socodka howlaha garoonka & dhismihiisa waxayna warbixin ka dhegeysteen guddiga dhismaha Stadium Muqdisho,iyagoo Wasiir Xamse u sheegay in shaqooyinka ay maryaan heer gabo gabo ah oo dhawaana la rajaynayo in lagu qabto ciyaaraha caalamiga iyo in Xulkeena uu ku ciyaaraha Magaalada Muqdisho.

“Farxad weyn ayay ii tahay in aan soo komeero garoonka ciyaaraha Stadium Muqdisho,anigoo ah masuulkii ugu sareeyay ee isboortiga dalka,runtii waxaan soo xasuustay waayo waayo,waxaan u mahad celinaynaa cid kaata oo kaalin ka geystay qurxinta iyo dib u soo celinta Muqdisho Stadium,balanteena waa u hiilinta isboortiga dalka” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay Wasiirka Ciyaaraha  Soomaaliya Xamse Saciid Xamse.

Si kastaba taageerayaasha Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa rajayanaya in ay arkaan Muqdisho Stadium oo lagu qabanayo tartamada caalamiga,iyadoo FIFA ay u aqoonsatay garoon caalami ah .

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle