U bood dhigaalka

Wasiir-kii Howlaha Guud ENG Nadiifa Oo Looga Adkaaday Tartanka Kursiga Xildhibaannimo

Sheeko:Baarlamaanka

Wasiir-kii wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska ENG Nadiifa Maxamed Cismaan ayaa maanta lagaga adkaaday doorashada aqalka hoose ee ka dhacday magaalada Jowhar.

Doorashada oo ENG Nadiifa ay kula tartamayeen seddex kale oo haween ah ayaa wareeggii labaad waxaa ula soo gudbay Faaduma Faarax Ibraahim oo markii dambe guddiga doorashadu ay shaaciyeen inay ku guuleysatay.

Faaduma Faarax ayaa codeynta kadib lagu dhaawaqay inay ku soo baxday tartankii maanta ka dhacay magaalada Jowhar.

Guddigu waxay sheegeen in Faaduma Faarax Ibraahim ay kursiga ku heshay cod dhan 37 halka Nafiifo Maxamed ay heshay codad dhan 14.

ENG Nadiifa Maxamed Cismaan ayaa hadda ka tirsanayd dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan Xildhibaannada, waxaa ay horay u soo noqotay wasiir-ka Howlaha guud iyo dib u dhiska gaadiidka bada iyo Tamarta

Goobjoog News