U bood dhigaalka

Wasiir Xuseen “Ma Gudi karno Abaalka Macallimiinteena”

Sheeko:Cayaaraha

Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug mudane Xuseen Cabdulle Xasan ayaa sheegay in aysan iloobi doonin macallimiinta kooxda kubbadda cagta Galmudug ee markii ugu horeesay taariikhda Galmudug gaarsiiyay fiinaalaha tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,isagoo ku tilmaamay geesiyaal la xasuusan doono.

“Waxaan rabnaa in u mahadceliyo Macallin Axmed Tahliil iyo tababre Cabdifataax sida wanaagsan ay u diyaariyeen ciyaartooyda Galmudug ee bandhig wanaagsan ku soo bandhigay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir,runtii waxaa lee yahay waxaad kor u qaadeen magaceen guulaysta waligeena” ayuu sheegay Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug mudane Xuseen Cabdulle Xasan.

Dhinac Wasiir Xuseen Cabdulle ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) sida wanaagsan uu garab istaagay ciyaartooyda kooxda Galmudug,taasna ay u sahashay in xidigaha Galmudug ay si wanaagsan ugu soo dhex muuqdeen tartankii kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020.

“Mudane Madaxweyne waan ku faraxsanahay in aan kula joogno,runtii sidoo kale waxaan nahay kooxda kaliya ee ka socota Maamul Goboleedyada dalka ee weli ku baashaalaysa Magaalada Muqdisho,welina joogta Hoteelka ugu qaalisan Magaalada Muqdisho,taasina waxa ay noo tahay maamuus gooni ah” ayuu sheegay Wasiirka ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug mudane Xuseen Cabdulle Xasan.

Geesta Wasiirka Ciyaaraha iyo dhallinyarada Galmudug mudane Xuseen Cabdulle Xasan ayaa u mahadceliyay taageerayaasha kooxda Galmudug sida wanaagsan ay u garab istaageen ciyaartooydooda

“Calanka Galmudug waxa uu ahaa kii ugu qaalisnaa ee la iibsado Intii uu socday tartanka kubbadda cagta Maamul Goboeledyada iyo Gobolka Banaadir 2020,taasna waxa ay muujinaysaa bandhiga ciyaartooyda Galmudug” ayuu sheegay Wasiir Xuseen Cabdulle Xasan.

Daawo Khudbadii Wasiirka Ciyaaraha Galmudug

Sidoo Kale Aqriso Warar Kale Oo Ku Saabsan Kooxda Galmudug

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/madaxweyne-qoor-qoor-dhamaan-ciyaartooyda-galmudug-waa-shaqaale-rasmi-ah-oo-ka-tirsan-dowladda/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle