U bood dhigaalka

Wasiir Yariisow Oo Shaqo Joojin Ku Sameeyay Agaasimihii Wasaaradda Warfaafinta

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya Injineer C/raxmaan Cismaan Cumar Yariisow ayaa maanta waxa uu shaaciyey in shaqadii uu ka fariisiiyey agaasimahii wasaaraddaasi C/risaaq Bahlaawe iyo agaasimahii maamulka iyo miisaaniyadda kadib markii uu wasiirka sheegay in cabashooyin badan laga soo gudbiyay.

Waxa uu sheegay wasiir Yariisow in mas’uuliyiintaan shaqo ka fariisinta lagu sameeyey ay iska difaaci karaan eedeymaha loo soo jeediyey, iyaguna arrintan ay u gudbin doonaan xeer ilaalinta iyo hanti dhowrka guud ee qaranka si ay u baaraan.

Waxaa xilka agaasimaha wasaaradda warfaafinta si KMG ah loogu magacaabay C/raxmaan Yuusuf Sheekh Al Cadaalla.

Agaasimaha Tv-ga dowladda waxaa loo magacaabay Liibaan Cabdi Cali, Agaasimaha Radio Muqdisho waxaa loo magacaabay C/fitaax Daahir Jeyte, agaasimaha SONNA waxaa loo magacaabay C/laahi Sheekh C/raxmaan Heybe, halka agaasimaha maamulka iyo qorsheynta loo magacaabay C/naasir Xasan Xuseen.

Wasiir Yariisow ayaa mas’uuliyiinta cusub ee uu magacaabay ka rajeyeey in howlahooda shaqo ay uga soo baxaan sidii loogu dhiibay.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga saari doonto la dagaallanka musuqa.

Goobjoog News