U bood dhigaalka

Wasiirada Amniga Iyo Gaashaanidhigga Oo Su’aalo Lagu Waydiiyay Xarunta Baarlamaanka & Mooshinkii Xasaanadda Oo La Gudagalay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada golaha baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kalfadhigii 7-aad kulankiisii 36-aad, waxaana shir guddoomiyay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka maanta ayaa ku saabsanaa su’aalo weydiin seddex wasiirada oo ku ballan sanaa xarunta baarlamaanka oo wax laga warsanayay arrinta xasaanadda xildhibaanada, taas oo ka dhalatay Mooshin xildhibaanno 54 xubnood ah ay u gudbiyeen guddoonka baarlamaanka oo ay uga cabanayaan xasaanadda xildhibaanada.

Wasiirada uu baarlamaanku u yeeray waxay kala ahaayeen , wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga iyo wasiirka Arrimaha dibadda oo isagu kulanka ka cudur daartay maadaama uu dalka ka maqnaa howlo shaqo awgeed.

Wasiirka wasaaradda amniga qaranka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa su’aal waydiinta xildhibaannada uga jawaabay,  isagoo sheegay in aanuu amar qoraal ah iyo oraah mid ah toona uunu ku bixin in xildhibaanada lagu xadgudbo xasaanadooda la waxyeelleeyo, waxa uu yiri; “waxaan aaminsanahay sida ku qoran qodobka 70aad ee dastuurka oo sheegay dhawrista xasaanadda xildhibaanka, marnaba ma ka tanaasuleyno arrinkaas wasaaradduna way u taagan tahay, amarku wasaaradeyda kama soo bixin anigoo wasiir ahna ma bixin, howsha wasaaraddu waa siyaasadda iyo hagista howlaha amniga”.

Wasiirka  ayaa waxa uu sheegay in waddanku u baahan yahay in wax badan hoos laga soo billaabo, waxa uu tilmaamay in anshaxa ciidamada iyo qaabka ay wax u baaraan loo baahan yahay in wax badan laga bedelo, isla markaana la baro ciidanka macnaha iyo qiimaha ay ku fadhido xasaanadda, waxaanuu raalli gelin ka bixiyay xildhibaanadii sida gaarka ah ay wax u soo gaareen ee hay’adaha ammaanku dhibaateeyeen.

Dhanka kale waxaa su’aalo la waydiiyay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Khaalid Cali Cumar, oo isna wax laga warsaday sababta ay VIP-du u xiran tahay, ayaa isku difaacay in VIP-da loo xiray sababo la xiriira dayactir iyo arrimo nadaafadeed oo kaliya oo muddo 5 maalmood ah loo xiray, wixii intaa dhaafsiisanna xiritaankeeda aanuu waxba kala socon.

Ugu dambeyn mooshinkan baarlamaanka ka furmay ayaan la ogeyn inta maalmood ee uu qaadan karo, iyadoo ay jirto in xildhibaanada ay horyaallaan shuruuc badan oo looga fadhiyo iney ansixiyaan iyagoo wakhtiga ay haystaan uu aad u kooban yahay.