U bood dhigaalka

Wasiirada Arimaha Dibadda Dalalka Kenya Iyo Itoobiya Oo Gaaray Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Goor dhaw waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose gaaray wasiirada arimaha dibadda dalalka Kenya iyo Itoobiya, iyaga oo halkaasi lagu soo dhaweeyay.

Wasiirka arimaha dibadda Itoobiya Dr.Tedros Adhanom iyo Wasiirka arimaha dibadda Kenya Aamina Maxamed ayaa u tagay magaalada Kismaayo sidii ay uga qeybgali lahaayeen munaasabadda caleema saarka baarlamaanka cusub ee Jubbaland.

Dhinaca kale waxaa iyana halkaasi goor dhaw gaaray wafdi ka socda IGAD oo iyaguna ka qeybgali doona munaasabadaan, waxaana xusid mudan in isla maanta uu Kismaayo tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News