U bood dhigaalka

Wasiirada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta Oo Ku Baaqay In Xayiraadda Hubka Laga Qaado Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiirrada arrimaha dibadda Carabta oo shalay 11 Marso go’aan ka soo saaray kulankoodii 145 ee ay shir guddoominaysay Boqortooyada Baxreyn ayaa laga soo saaray go’aanno khuseeya arrimaha Soomaaliya oo aad muhiim u ah, iyagoo ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabteynta dhanka Hubka.

Wasiirada ayaa ugu horreyn ammaanay kaalinta ciidamada nabad ilaalinta ee Soomaaliya jooga AMISOM iyagoo ku amaaney garabsiinta ciidanka Soomaaliya si amaanka loo ilaaliyo, gaar ahaan waxey ammaaneen kaalinta udub dhaxaadka ah ee ciidamada Jabuuti oo ka mid ah nabad ilaaliyeyaasha.

Waxay canbaareeyeen dhamaan dambiyada iyo argagixisada lagaga soo hor jeedo shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumadiisa iyo waliba weeraradda lagu bar tilmaameed sanayo ciidamada midowga Afirka.

Waxay ugu baaqeen xubnaha Jaamacadda Carabta iney kaalmo degdeg ah la gaaraan xukuumadda Soomaaliya si dib loogu dhiso hay’adihii ammaanka iyo ciidanka Soomaaliya, waxayna ugu baaqeen golaha ammaanka in laga qaado Soomaaliya cunaqabateynta dhanka hubka, si ay ugu suuro gasho ciidanka inuu waajibaadkiisa guto sidii loo baahnaa.

Waxaa kale oo ay ku baaqeen in Soomaaliya la isla garab taago kaalmo siyaasadeed iyo mid dhaqaale si looga qeyb qaato howlaha Socda ee dhismaha dowladda oo ay ku jirto dhameystirka dib u eegista dastuurka, adkeynta nidaamka Federaalka, dhismaha maamul goboleedyada, dhismaha xisbiyada siyaasiga, dardar gelinta doorashada baarlaamaanka iyo tan madaxtooyo ee sanadkan gudihiisa, iyadoo laga codsaday guddoonka sare ee Jaamacadda iney dhiirri galiyaan wadahadalka xukuumadda iyo gobollada si loo adkeeyo midnimada Soomaaliya.

Fadhiga wasiirrada arrimaha dibadda ayaa carrabka ku adkeeyay in la fuliyo go’aankii ka soo baxay shirka Carabta ee ugu dambeyay ee ahaa in Soomaaliya la siiyo bilkasta 10 milyan oo dollar muddo sanad ah iyadoo laga bixinayo sanduuqa Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta, si loogu kabo miisaaniyadda xukuumadda, si ay u maareyso mu’asaasaadkeeda isla markaana ay u hir geliso barnaamijkeeda ammaanka iyo xasiloonida dalka, loolana dagaallamo musuq maasuqa iyo dambiyada, una sameyso adeegyadii bulshada ee muhiimka ahaa.

Ugu dambeyn waxay xubnaha Jaamacadda ugu baaqeen iney cafiyaan deynta Soomaaliya gaar ahaan tan sanduuqa lacagta adduunka, waxayna u mahad celiyeen Al-Jeeriya iyo Sucuudiga oo sheegay iney cafiyeen deyntii ay ku lahaayeen Soomaaliya, waxayna ka codsadeen madaxda sare ee Jaamacadda iney iska kaashadaan wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya si looga mira dhaliyo go’aanada la soo saaray.