U bood dhigaalka

Wasiirada Difaaca Iyo Arrimaha Dibadda Dalalka Ay Ciidanka Ka Joogaan Soomaaliya Oo Shir Uga Furmay Jabuuti

Sheeko:Dalka

Dalka Jabuuti waxaa maanta oo Sabti ah shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya uga furmay wasiiradda arrimaha dibadda iyo Difaaca ee dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Shirkii ay lahaayeen wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka ay ciidankoodu ka howlgalaan Soomaaliya waxaa shir guddoominayey wasiirka arrimaha dibadda  xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar.

Waxaa shirkaasi diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka ee Soomaaliya iyo sidii wadammadaasi uga qeybqaadan lahaayeen xoojinta dagaallada ka dhanka ah Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale wasiiradan ayaa si kulul u cambaareeyay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo mas’uuliyaddoodu sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Dhinaca kale wasiirada difaaca ee dalalka ciidanka ay ka joogaan Soomaaliya waxay shirk u leeyihiin isla dalka Jabuuti, waxaana shirkaan uu yahay mid looga hadlayo arrimaha amniga Soomaaliya.

Shirkaan waxaa shir guddoon ka ah wasiirka difaaca ee dalka Jabuuti, waxaana jira wasiirro ka hadlay qaabka loo xoojin lahaa ka shaqeynta amniga Soomaaliya iyo arrimo kale oo isla amniga ku saabsan.

Goobjoog News